Ku-xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL ahna Ku-simaha Hantidhawraha Guud Mudane Sacad Riiraash ayaa furay shir Dib loogu eegayo Hannaanka kharash-bixinta Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dawladda.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda ayaa muddooyinkii u danbeeyay kawada shaqaynayay sidii loo toosin lahaa Habka iyo Hanaanka nidaamka kharash-bixineed ee Dawladda, iyada oo loo eegayo Madax-xigeenada nugul.
Waxana shirkan ka soo Qayb-galay Agaasimayaasha Guud ee Toban Wasaaradood oo ay weheliyaan Agaasimaayaasha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradahaas, taas oo ka dhigan hormadii ugu horeysay ee Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dawladda ee nodaamkan fulin doona.
Ugu danbeyn waxa la iskula qaatay in nidaamkaas la fuliyo bilawga sannadka cusub, taas oo ay korjoogtayn doonaan Xafiisyada Hantidhawrka iyo Xisaabaadka.
Your experience on this site will be improved by allowing cookies.