Hantidhowraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir oo uu Weheliyo Ku-xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Sacad Riiraash ayaa maanta soo xidhay shir saddex maalmood ka socday xarunta Xafiiska Hantidhawrka Guud, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Waaxyaha Xafiiska Hantidhawrka Guud.
Muddadii uu shirkaasi socday waxa lagu gorfeeyay Qiimaynta iyo Waxqabadkii Sannadkan sii dhammaanaya, waxaana la iskula qaatay Qorshaha waxqabad ee sannadka fooda innagu
soo haya haddii Allah Idmo. Iyada oo laga faa'idaysanayo galdaloolooyinkii wax qabad ee sannadkan sii dhammaanaya.