Hantidhawrka Guud ee Qaranka JSL, ayaa soo Agaasimay Kulan Ballaadhan oo uu ugu yeedhay Dhammaan Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dawladda.
kulanka oo ay ka soo qayb-galeen badiba Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda ayaa ugu Horreyn waxa furay Ku-xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Sacad Riiraash, waxaanu bayaamiyay ujeedada kulanka oo daaranaa laba qodob, oo kala ahaa in Lacagaha
laga helo Meel ka baxsan Miisaaniyadda Qaranka sida Mashaariicda Hay'adaha kala duwan, sidii loogu soo dari lahaa Miisaaniyadda Qaranka kuwooda aan wali ku jirin. iyo Qodobka Labaad oo ahaa Joojinta Takaaliifta aan Xeer-jidayn oo dhawaan Hantidhawraha Guud ee Qaranku Mudane Axmed Yuusuf Dirir uu Wareegto ka soo saaray.
waxa isaganu halkaas ka hadlay oo ku dheeraaday qodobadaas Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. gaba-gabadii gorfayn dheer kaddib waxay soo Gudbiyeen Agaasiyaasha Guud Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dawladu wixii Mashaariic Dibadda laga maal-galiyo ee ka socda Wasaarad/Hay'adahooda.